preload loader
id top nyheder
Forskningsforlig - Penge fra høreapparater

Wasiirka waxbarashada sare Morten Østergaard (R) oo ka soo laabtay fasaxii ummusha. Wuxu hadda ku dhiirrigeliyaya ardayda inay si fiican uga qaybqaataan doodda SU-da.

 

Ardaydu ha doonaan uun baahidooda

04. feb. 2013 12.56 Turkce

Qof kastaa waa inuu gacan ka gaystaa. Xataa ardayda.

Ereyadan waxa  soo jeediyaya wasiirka waxbarashada sare, Morten Østergaard (R), oo ka soo laabtay fasaxii umusha.

Morten Østergaard ayaa bishii janaweri la socday dhinacyada doodda la xidhiidha caawimada dawladda ee ardayda (SU), wasiirkuna wuxu hadda codsaday, inay ardaydu si fiican uga qaybqaataan dibuhabaynta soo socota ee lagu samaynayo caawimada dawladda ee ardayda (SU), iyadoo dawladdu hore u sheegtay inay ka dhimayso halkaas lacag ilaa laba bilyan oo koron ah.

- Ardaydu waa inay caadaysataa fikradda la xidhiidha, inay si wayn uga qaybqaataan masuuliyadda waxbarashadooda, marka ay wax ka soo gaadhaan nidaamka caawimada dawladda ee ardayda (SU) oo ah kuwa ugu faxalsan dunida, ayaa Morten Østergaard ku qoray bogga hore ee facebookiisa.

Kalkii caawimada dawladda ee ardayda (SU)
Dawladda ka kooban xisbiyada S-R-SF ayaa hore u sheegtay, inay laba milyan oo koron ku dhimayso dibuhabaynta cusub ee lagu samaynayo caawimada dawladda ee ardayda, iyadoo ujeedadu tahay in ardaydu dhaqso u dhammeeyaan waxbarashooyinka.

Dawladda ayaa filaysa inay ajendayaasheeda kama danbaysta ah ee heshiisha caawimada dawladda ee ardayda (SU) soo bandhigto guga, siyaasiyiinta baarlamankana way ku adkaan doontaa, inay wax ka dhimaan caawimada dawladda ee ardayda (SU). Waayo ardayda ayaa looga bartay, inay mudaharaadaan, marka wax laga dhimo caawimada dawladda ee ardayda.

Laakiin ardaydu waa inay xusuusnaadaan, inaynnu ku jirno xiisad dhaqaale, ayuu yidhi wasiirka waxbarashada sare.

- Sidoo kale ardaydu waa inay sida qaybaha kale ee bulshada deenishka la socdaan dadaallada ay tahay in lagaga gudbo marxaladan adag, ee aynnu ku jirno, waana inay si wayn u xilqaadaan waxbarashada, oo innaga saari karta dhibaatadaas, ayuu qoray Morten Østergaard.

Send eller anbefal link

 

Retssagen mod Breivik

Retssagen mod Breivik

Igennem 10 uger vil sagen mod Anders Behring Breivik rulle i Norge. Følg med her.

 

Valg i Egypten

Valg i Egypten

Nu får egypterne endelig lov til selv at bestemme. Der er valg i Egypten, og dr.dk er med. Få overblik over partierne, se tidslinje og læs alle reportager.

 
 
 
 
Du er her: dr.dk > Nyheder > Andre_sprog > Soomaali

© Copyright DR 2013. Materialet må ikke gengives uden tilladelse jævnfør lov om ophavsret.