Hablaha ajinebiga ah iyo waxbarashada
05. feb. 2013 13.01 SoomaaliTirokoobyada cusub ee Danmark Statistik ayaa muujinaya, in hablaha ajinebiga ah ee aan ka iman dalalka reer galbeedka, da'dooduna tahay 22 jirka, inay hadda la heer yihiin xagga waxbarashada dhiggooda hablaha deenishka ah .
Sidaas waxa qoray wargsyska Fyens Stiftstidende.
Dumarka ayaa kor u soo kacaya xagga waxbarashada. Sannadkii 2002 boqolkiiba 43 ayaa waxbarasho waday hablaha 22 jirka ah, halka hablaha deenishka ah ee dhiggoodu ka ahaayeen boqolkiiba 51.
Sannadki 2012 boqolkiiba 61 ayaa dumarka ajinebiga waxbarasho ku jiray, waxana ay soo gaadheen heerka hablaha la da'da ah ee deenishka.
Beatrice Schindler Rangvid, oo ah cilmibaadhe ka tirsan xarunta cilmibaadhista barwaaqosooranka qaranka ayaa qabta, in hablaha ajinebigu dhaafi karaan xagga waxbarashada hablaha deenishka.
Hablaha ajinebiga ah ayaa u arka waxbarashada sida ay kaalin ugu yeelan karaan bulshada deenishka. Badidooduna mal aha xilli firaaqe badan, ayay tidhi.
- Sidaas awgeed wax si wayn loola yaabo maaha, inay waxbarashada ku daataan. Sannadihii ugu danbeeyay waxa culays dheeraad ah la saaray, sidii dhallinyarada ajinebiga ahi u la qabsan lahaayeen nidaamka waxbarashada, ayay ku tidhi wargayska.
Beatrice Schindler Rangvid ayaa weli ka walaacsan wiilasha, oo xoog uga dhaca nidaamka waxbarashada.
- Gaar ahaan waxbarashooyinka xirfadda. Weli laga ma hadli karo, siday ugu fiican yihiin. Laakiin waxa caddaan ah in tallaabooyin loo qaaday dhinaca fiican, ayuu yidhi.
Bente Højer, oo digriiga cand.pæd. haysata ayaa hore u baadhay oo wax uga qortay kooxahan.
- Dhibaatadu waa in la siiyo talobixin, iyadoo laga duulayo mid kasta awooddiisa. Talabixin way ka hor iman kartaa halkii ay caawin lahayd. Waa inaad ku abuurtaa, inay ka fikiraan cawaaqibka, ayaa Bente Højer ku tidhi wargayska Fyens Stiftstidende.