preload loader
id top nyheder
Christiania

Foto: Marie Hald © Scanpix

 

Qabashada xashiishad ilaa 17 milyan ah

05. feb. 2013 13.08 Soomaali

Bisha Janaweri aad ayay ugu adkayd ganacsatada xashiishadda ee Christiania, sidaas waxa sheegay ciidamada Task Force Pusherstreet, TFP, oo ka tirsan bilayska. Bisha janaweri waxa la qabtay xashiishad qiimaheedu dhan yahay 17 milyan oo koron.

- Waa xaddi aad u badan marka loo eego bilihii ka horreeyay, hawshana waannu dardargelinnay ayuu yidhi taliye kuxigeenka ciidanka Task Force Pusherstreet,TFP, Poul Kjeldsen.

Guud ahaan ciidamada TFP ayaa qabtay 14,879 xidhmo bishii janaweri, wadar ahaanna waxay gacmaha ganacsadayaasha kuqabteen 132 kilo oo xashiishad ah iyo 62 kilo oo maandooriyayaal ah.

Celcelis ahaan garaamka xashiishadda iyo maandooriyayaasha ahi waa 50 koron, xidhmada yarina waa 50 koron, wadar ahaana inta la qabtay waxay noqonaysaa ilaa 17 milyan oo koron.

Hub sharcidarro ah
Markii ciidanka TFP ay dhawaan qabteen qaybo ka mid ah gantaal hub ah, ayaa la helay saddex gantaal oo ridi kara bam baaruuddisu tahay ilaa 400 xabbo.

- Nasiibdarro hubka aannu helnay wuxu muujinayaa, in kuwa wada denbiyada hubaysani, in aanay ku talogelin inay faraha kala baxaan iibinta xashiishadda, ayuu yidhi Poul Kjeldsen.

- Waa arrin walaac wayn leh oo aan la aqbali karin, in denbiilayaashu haystaan hub khatar gelin kara nolosha ciidanka bilayska, ee gudanaya waajibaadkooda, ayuu yidhi.

Xashiishadda ka sokow waxa bilaysku qabtay ilaa 22 hub sharcidarro ah. Waxay ahaayeen noocyo kala duwan hub ka kooban.

Adeegsiga bilayska ee qalabka la yidhaahdo mitirka daroogada (narkometer) ayaa lagu qabtay 168 darawal agagaarka Christiania.

Send eller anbefal link

 

Retssagen mod Breivik

Retssagen mod Breivik

Igennem 10 uger vil sagen mod Anders Behring Breivik rulle i Norge. Følg med her.

 

Valg i Egypten

Valg i Egypten

Nu får egypterne endelig lov til selv at bestemme. Der er valg i Egypten, og dr.dk er med. Få overblik over partierne, se tidslinje og læs alle reportager.

 
 
 
 
Du er her: dr.dk > Nyheder > Andre_sprog > Soomaali

© Copyright DR 2013. Materialet må ikke gengives uden tilladelse jævnfør lov om ophavsret.