preload loader
id top nyheder
Burundi-læge
 

Dhakhtar deenisha oo ka hawlgala Burundi

05. feb. 2013 13.56 Soomaali

Peter Bech Larsen ayaa da'diisu ku dhowdahay 74 jir. Ka dib marku muddo dheer soo shaqaynayay, waxay ahayd inuu kursi hor dhigto gurigiisa oo halkaas ku raaxaysto - laakiin sidaas ma sameeyo. Wuxu u shaqeeyaa dhakhtarrada aan xuduudda lahayn, isagoo jooga xarun ku taal dalka Burundi, oo dumarka lagaga daweeyo xanuun hoosta kaga dhaca oo la yidhaahdo Fistula. Bilaash ayaa lagu daweeyaa dadkaas.

Cudurkaas ayaa keena in dumarku ceshan waayaan kaadida. Xaaladaha qaarkoodna saxarada qudheeda ayay ceshan kari waayaan. Dhibaatooyinkaasna waxa keena dumarka oo fooshu ku adkaato, ducashaduna ku badato, oo dabadeed ay furmaan meelo hoosta ah.

Peter Bech Larsen wuxu ka mid yahay dhakhtarro badan oo Burundi jooga, oo bara dhakhtarrada lookalka ah, sida loo daweeyo cudurka Fistula.

- Maya, hawshan u maan gelin lacag darteed. Dhab ahaan bilaa mushahar ayaan shaqadan ku sameeyaa. Waa shaqo qofku arkayo waxqabad fiican uu sameeyay, waayo nolosha hablaha da'da yar ayaa wax laga beddelaa, oo mararka qaarkoodna ku soo laabta nolol caadi ah, ayuu ku yidhi DR Nyheder.

Barnaamijka warka axadda ayaa 'Danmarksindsamlingen' ku casuumay dalka Burundi.

Send eller anbefal link

 

Retssagen mod Breivik

Retssagen mod Breivik

Igennem 10 uger vil sagen mod Anders Behring Breivik rulle i Norge. Følg med her.

 

Valg i Egypten

Valg i Egypten

Nu får egypterne endelig lov til selv at bestemme. Der er valg i Egypten, og dr.dk er med. Få overblik over partierne, se tidslinje og læs alle reportager.

 
 
 
 
Du er her: dr.dk > Nyheder > Andre_sprog > Soomaali

© Copyright DR 2013. Materialet må ikke gengives uden tilladelse jævnfør lov om ophavsret.