Dansk Erhverv: Sida loo dhimi karo SU-da
05. feb. 2013 14.47 SoomaaliWaxyaabo badan oo yaryar ayaa waynaanaya.
Taasi waa mid ka mid ah 13ka hindise ee ururka Dansk Erhverv u soo jeediyeen siyaasiyiinta, iyagoo u tilmaamaya siday u dhimi karaan qarashyada SU-da.
- Haddii la rabo in isbeddel lagu sameeyo SU-da, waxa muhiim ah, in la wada daneeyo arrimaha yaryar iyo kuwa waaynba. Tusaale ahaan waxa la odhan karaa, SU-da waxa la qaadanayaa, marka wax la dhiganayo, marka fasaxa xagaaga la galo bisha julayna lama qaadanayo SU, ayuu yidhi Morten Jarlbæk Pedersen, oo ah lataliyaha dhinaca siyaasadda ee ururka Dansk Erhverv.
Wuxu siyaasiyiinta ku dhiirrigeliyay, inay si balaadhan uga fikiraan waxa loo yaqaan 'Lacagta kaafiga - cafépenge - ama SU-da ay qaataan ardayda waalidkood la deggan: tarjubaanka ' iyo waxa loo yaqaan ' fjumreår - ama sannadka lixaad ee SU'da: tarjubaanka'.
- Kubadaha oo dhan waa in samada loo tuuraa, waxana aynnu ku qasban nahay, in aynnu si madaxbannaan uga fikirno SU-da, haddii aynnu rabno nidaam horseedaya, sidii deenishku goor hore u dhammayn lahaayeen waxbarashada, ayuu yidhi Morten Jarlbæk Pedersen.
Ardayda deenishka waa la dalliciyay
Dawladda ka kooban xisbiyada S-R-SF ayaa baahisay, inay laba bilyan oo koron ka dhimaysa SU-da, iyadoo la filayo in dibuhabayn lagu sameeyo guga.
Ururka Dansk Erhverv ayaa ka caawinaya siyaasiyiinta siyaabaha loo dhimi karo SU-da. Waxa kaloo laga yaabaa, in aan qofka la siin SU, hadduu 30 jir gaadho, siday qabaan ururka Dansk Erhverv.
- Sida maanta uu yahay nidaamka SU-du, ardayda deenishka waa la dalliciyay. Taas waxa aynnu arki karnaa, markaynnu barbardhigno ardayda wadammada kale, ayuu yidhi Morten Jarlbæk Pedersen.
Waa kuwan 13 hindise oo ururka Dansk Erhverv ka soo jeediyeen SU-da:
1) Jarista SU-da sannadka lixaad.
2) 2da sano ee mastarka oo amaah laga dhigo, halka SU-da laga siiyo ardayga (dib ha u soo celiyo lacagtaas, marku bilaabo bixinta cashuurta sare).
3) Jarista SU-da ardayga deggan guriga waalidkii.
4) Adkaynta la socoshada dhaqdhaqaaqa waxbarashada oo laga dhigo 6 bilood halka ay ka tahay 12 bilood.
5) Jarista SU-da bisha julay ee fasaxa.
6) Jarista SU-da wax ka badan hal waxbarasho oo dhallinyareed.
7) Abla-ablaynta SU-da, iyadoo la danaynayo shaqo horseedka waxbarashada.
8) Samaynta soohdinta da'da ugu wayn ee lagu qaadan karo SU, oo laga dhigo 30 jir.
9) Jarista heerka SU-da ee lagu sargooyo isbedelka sicirada.
10) Gunno la siiyo bilawga ardayda toos u bilaaba waxbarashooyinka sare, markay dhammeeyaan waxbarashooyinka dhallinyarada.
11) Sannad dheeraad oo la qaato SU-da, haddii digriiga hore ku dhammaan waayo waqtigiisa.
12) Jarista lacagta furan(fribeløbet).
13) SU-da oo loo kordhiyo ardayda wax ka barata dalka debeddiisa