Walaaca xukunka Præstø
06. feb. 2013 13.56 SoomaaliJimcihii ayaa maxkamadda Præstø riday xukun aan noociisa hore loo arkin, oo ku cusub garsoorka deenishka. Halkaasoo dugsiga hoyga ee Lundby Efterskole iyo maamulihiisa Truels Truelsen ayaa lagu helay, inay denbiilayaal ku yihiin dil aan loo kasino o la xidhiidha shilka doonnidii yarad ee laba sano ka hor ku qariqsantay khoorriga Præstø Fjord.
Dhab ahaan waa xukun aanu noociisu hore u dhicin, oo si wayn looga danaynayay waxbarashada dugsiyada kale ee hoyga ah iyo xilli firaaqahooda, sidu ku qiimeeyay guddoomiyaha dugsiyada madaxabannaan, Mogens Lorenzen.
- Taasi waxay keenaysaa, in dugsiyadu ka gacantaagaan dhaqdhaqaaqyo badan ay ardayda u samayn jireen. Mana aha horumar fiican, sidaanu qabno, ayuu ku yidhi dr.dk.
Wuxu masuul ka yahay maamulayaasha dugsiyada madaxabannaan iyo kuwa hoyga ah ee dalka.
Farriin maxkamaddu dirtey
Dugsiga Lundby Efterskole ayaa lagu xukumay, inuu bixiyo ganaax dhan 250.000 koron, halka maamulihii dugsigaas, Truels Truelsen, lagu xukumay 60 cisho oo xabsi shuruudaysan ah, waxana maxkamaddu ku dhaliishay in aanu ardayda waxba ka barin badda.
- Maxkamadda ayaa xukunkan farriin cad ugu dirtay, waayo weligeen hore u ma aynnu arkin, in qof shaqaale lagu eedeeyo laguna xukumo arrintan oo kale. Waxa aynnu hore u aragnay in hayadaha la eedeeyo, laakiin hore inooma ay soo marin shaqaalaha oo arrin noocan ah lagu eedeeyay, ayuu yidhi Mogens Lorenzen, waxana uu ku nuuxnuuxsaday, inuu si wayn u tacsiyadaynayo ardayda iyo waalidka ay saamaysay arrintani, si fiicanna wuu u fahansan yahay, in la si fiican loo nefisay ka dib xukunkii jimcihii.
- Si fiican ayaan u fahansan ahay, in ehliyadda iyo bulshaduba rabeen in meel la saaro masuuliyadda arrintan, ayuu yidhi.
Qaar badan oo ka mid ah 13ka arday, ee badda galay, ayaa maanta wax ka qaba maskaxda. Toddoba ka mid ah ardayda ayaa xaaladdoodu ahayd geeri, markii laga soo saaray biyo heerkulkoodu yahay laba digsrii, laakiin dhammantood dib loo nooleeyay. Waxa shilkaas ku naf waayay macallin 44 jir ah, oo la yidhaahdo Michael Jørgensen.
Kantarool badan
Mogens Lorenzen ma rabo inuu ka hadlo fikradda uu ka qabo xukunka iyo in racfaan la qaadanayo, laakiin wuxu ku nuuxnuuxsaday, in aanay caadi ahayn, iyo in dugsiyadu kantarool badan samayn doonaan.
- Waxay keenaysaa, in dugsiyadu aanay ku riixan waxyaabo ay rabaan. Inay keelaha ku dhaadhacaan oo halkaas joogaan, waayo halkaas ayaa nabadgelyo badan. Sidaasina u ma fiicna dugsiyada, ayuu yidhi Mogens Lorenzen.