Cadawyada waawayn ee barwaaqosooranka
06. feb. 2013 13.31 SoomaaliWaa isku mid haddii la eego garabka bidix ama ka midig ee baarlamanka, ama indhaha lagu jeediyo dadka khibradda u leh ama la dhegaysto muwaadiniinta caadiga ah; maalmahan way kulul yihiin doodaha dawladda barwaaqosooranka ah - xataa DR ku dheh oo, aannu caawa culays saari doono dhaqaalaha degmooyinka iyo barwaaqosooranka, DR1 saacaddu markay tahay 20.40.
- Saadaalaha la qorayo ayaa muujinaysa, in korodhka tirada dadka ee ilaa 2040 uu dhibaato wayn u keenayo barwaaqosoorankeenna. Korodhka dadka ayaynnu kala kulmaynaa dhibaato wayn, ayuu yidhi Kurt Houlberg (ph.d.), oo cilmibaadhis kaga sameeya dhaqaalaha degmooyinka KORA, Machadka Falanqaynta iyo Cilmibaadhista Degmooyinka iyo Gobollada qaranka.
Korodhka tirada waayeelka
Shaxanno ayaa lagu arkay sida dadwaynuhu u kordhayay min sannadkii 901. Danmark ayaa kor uga soo kacday min 2,4 milyan oo tirada dadwaynuhu ahayd sannadkii 1901 ilaa 5,5 milyan oo tirada dadku maraysay sannadkii 2012.
Xagga qaybsanaanta da'da dadwaynha, waxa ku dhacay isbeddel wayn taniyo bilawgii qarniga 19aad. Halka boqolkiiba 6 tirada dadwaynaha ay sannadkii 1901 ka ahaayeen 65 jir iyo wax ka wayn, hadda tirada dadka ka wayn 65 jirku waa boqolkiiba 16 sannadka 2012. Teeda kale tirada dadka shaqayn kara ayaa kor uga kordhay min boqolkiiba 52 ilaa boqolkiiba 61 - halka tirada dhallinyarada da'doodu ku siman 0-18 jir ay ka soo dhacday min boqolkiiba 42 ilaa 23.
Min tirada dadwaynaha oo dabayli waddo ilaa markay ka hor timi
Marka lagu laabto 1907eeyihii, 1980eeyihii, 1990eeyihii waxa jiray xaalad fiican oo dhallinyaro badan oo xoog ah ayaa berigaas soo galay suuqa shaqada, oo kobciyay khasnadda dawladda, laakiin hadda xaaladdu way ka duwan tahay sidaas.
- Xilligaas dabaysha ayaa wadday tirada dadwaynaha. Carruur badan oo dhalatay dagaalkii ka dib ayaa xoogaystay xiiligaas oo ka qaybqaatay barwaaqosooranka, ayay tidhi borofisar dhaqaalaha ka t jaamacadda Aarhus, Nina Smith, oo ku jirtay guddidii barwaaqosooranka ee dawladdii ka koobnayd xisbiyada Libaraalka iyo Konserfatifka.