Lama aqbali karo gacankahadal siyasadeed
06. feb. 2013 13.33 SoomaaliMa aha wax la aqbali karo habayaraatee, haddii weerarka ninka islaamka wax ka sheega ee Lars Hedegaard la xidhiidho arrimo siyaasadeed ama diimeed.
Sidaas waxa sheegay Imran Shah, oo ah afhayeenka ururka Islamisk Trossamfund.
- Ujeeddo siyaasadeed iyo mid ddiimeed tii ka danbaysayba, maaha wax loo baahan yahay, in dadka lagu rasaaseeyo suuqyada. Taasina way khusaysaa dhammaan dadka ay ka kooban tahay bulshadu, ayuu yidhi.