preload loader
id top nyheder
Attentatforsøg på Lars Hedegaard

Bilayska ayaa ku raadjooga iskudayga dil ee shalay lagu la kacay Lars Hedegaard. Talooyin fiican ayaa hadda ka imanaya dalka Holland, oo ay hore uga dhaceen laba arrimahan oo kale ahi.

Foto: Claus Bech © Scanpix

 

Siyaasiyiinta Holland oo canbaareeyay

06. feb. 2013 13.35 Soomaali

skudayga dil ee lagu la kacay ninka islaamka wax ka sheega, Lars Hedegaard, oo madax u ah shirkadda Trykkefrihedsselskabet,  ayaa lagaga warramay dhammaan miidhiyaha dalka Holland, markii DR-ku la xidhiidhay xubno holland ugu jira baarlamanka Yurubna way la socdaa isku dayga dil ee Lars Hedegaard. 

"Waa arrin naxdin leh" iyo "Waa arrin xun" ayaa ka mid ah erayadii ay ku cabbireen iskudayga dil.

- Haddana markale ayay soo noqotay: Dadka lagu werarayo fikradahooda ay cabbireen, ayuu yidhi Laurence Stassen, oo xubin ka ah xisbiga dhanka midig sii jira ee islaamka wax ka sheega, Frihedsparti.

Laba iskuday laba sano gudahood
Dadka reer Holland ayaa hore u soo arkay iskudayo lagu khaarajinayay dadka wax ka sheega diinta Islaamka. Sagaal sano ka hor nin muslin ah ayaa dilay Theo van Gogh oo soo saaray filim lagu naqdiyayay muslimiinta. 11 sano ka horna nin ku firfircoon arrimaha deegaanka ayaa toogtay oo dilay ninkii diinta islaamka wax ka sheegi jiray, Pim Fortuyn. 

- Waa in aynnu xoog uga hortagnaa dadka ku nool Yurub, ee aan ixtiraamin xorriyatul qawlka, ayuu yidhi Laurence Stassen.

Dadka yaan la isku wada qaadin
Laakiin xisbiga Holland ee liberale parti ayaa qaba, inay muhiim tahay in la dhaafo cabsida iyo indhola'aanta, oo sharciyo laga sameeyo arrintan.

Dadka reer Hollans waa inay casharro ka bartaan iskudayada noocan ah. Ninka ku jira baarlamanka Yurub, Hans van Baalen, ayaa qaba inay muhiim tahay, in aan la isku wada qaadin oo eedda la wada saarin koox dadwaynaha ka mid ah:

- Waa in la xusuusnaado, in qof qudh ahi eeddeeda leeyahay arrinta, ayuu yidhi.

Halganka xorriyatul qawlka
Kol hadday Holland caddaan tahay, in naqdiga islaamku sabab u yahay iskudayada noocan ah, waxa aad u muhiim wadahadal arrintaas laga la yeesho muslimiinta dalka ku nool, ayuu yidhi siyaasi reer Yurub ah.
- Waannu caddaynay, in aannu iska fogaynayno iskudayada noocan ah. Waxa muhiim ah, in aanay aamusin, ayuu yidhi van Baalen.

Dadwaynuhuna waa inay taageeraan dadka lagu dhibaateeyo arrintan, ayuu yidhi:

- Waa in dhammaan la is barbar taago qofka la weeraray. Qofna waa in aanu odhan: "Muu afkiisa haysto". Taageer xorriyadda hadalka.

Send eller anbefal link

 

Retssagen mod Breivik

Retssagen mod Breivik

Igennem 10 uger vil sagen mod Anders Behring Breivik rulle i Norge. Følg med her.

 

Valg i Egypten

Valg i Egypten

Nu får egypterne endelig lov til selv at bestemme. Der er valg i Egypten, og dr.dk er med. Få overblik over partierne, se tidslinje og læs alle reportager.

 
 
 
 
Du er her: dr.dk > Nyheder > Andre_sprog > Soomaali

© Copyright DR 2013. Materialet må ikke gengives uden tilladelse jævnfør lov om ophavsret.