Xabka in ardaydu buufisay gaasta
07. feb. 2013 12.42 SoomaaliXasillooni ayaa dib uga bilaabantay dugsiga sare ee Langkær Gymnasium oo ku yaal magaalada aarhus, kaas oo arbacadii la yeedhiyay qaylodhaan la xidhiidha gaasta.
800 oo arday ayaa laga daadgurryay dugsiga, iyadoo ay noqotay in la daweeyo 24 shaqaale ah iyo ardayda oo xaalad xun dareemay markay socdeen luuqa, oo loo badinayo inay soo gaadhay gaasta liigtay.
Bilayska ka sokow shan anbalaas ayaa loo soo diray dugsiga sare, markii qaylodhaantu yeedhay.
24 ayaa isla goobta lagu daweeyay
- Shaqaalaha caafimaadka ayaa isla goobta ku daweeyay 24 qof, oo qufac iyo matag yeeshay, sidu shirjaraaid ku sheegay sarkaalka u hadlayay bilayska bariga Yuulland, Mogens Brøndum.
- Laakiin xaaladda lagu ma qiimayn mid halis ah, sidaas awgeed giddi guryahoodii ayay tegeen, haddii ay la kulmaan wax dhibaatooyin ah waxay la xidhiidhayaan dhakhtarka heeganka ama dhakhtarkooda caadiga ah, ayuu yidhi.
Waxa ay la kulmeen ardayda iyo macallimiintu maaha wax laga gaashaantay.
Gaasta dadka ka ilmaysiisa
- Gunaanadka hordhaca ah waxa dhacdada lagu soo gebogebeeyay, in waxa dugsiga gaadhay ahayd CS-gas, oo ku caan ah gaasta dadka ka ilmaysiisa, ayuu yidhi Mogens Brøndum.
- Dadka dugsiga sare joogay qaarkood baa gartay urta iyo astaamaha gaasta ka ilmaysiisa indhaha, laakiin ciidanka gurmadku kama helin dugsiga wax raadad ah oo tilmaamaya gaas sun ah ama gaasta ka ilmaysiisa indhaha.
Malaha kas baa loo buufiyay gaasta
Bilayska ayaa hadda isku deyaya inuu ogaado, sida gaastu u soo gashay dugsiga, mana biciidsanayaan in ardayda qaarkood buufiyeen gaasta.
- Waa in la baadho arrinta. Haddii gaasta ogaan loo buufiyay, qofka sidaas sameeyay waxa ugu yaraan lagu qaadayaa, inuu ku xadgudbay xeerka hubka, ayuu yidhi Mogens Brøndum.