preload loader
id top nyheder
Vestas ? Fremlægger rødt årsregnskab

Saamiyada Vestas oo kor u kacay

 

Saamiyada Vestas oo kor u kacay

07. feb. 2013 12.44 Soomaali

Inkastoo khasaarihii ugu waynaa oo dhan 7,2 bilyan kr. cashuurta ka dib ay gashay shirkadda Vestas, haddana maalgeliayayaashu weli way ku kalsoon yihiin.
 
Isla maalinta ay shirkadda wayn ee samaysa marawaxadaha dabayshu baahisay khasaarahaas balaayiinka ah ee xisaabxidhkeeda sannadka 2012, ayaa haddana agaasimaha maamulka, Ditlev Engel, sheegay in saamiyadu ku soo xidhmeen heer ah boqolkiiba 36,7, taasoo ka dhigan korodh boqolkiiba 8,13 ah, marka loo eego bilawgii maalinta. 

Sidu sheegay falanqeeyaha hormoodkla ah, Michael Friis Jørgensen oo ka tirsan suuqyada Alm. Brand, waxa taas keenay saamiyada oo xoog u hooseeyay waqtigii ka horreeyay xisaabxidhka.

Khasaare balaayiin ah
Saamiyada shirkadda marawaxada dabaysha ayaa bilaabay, inay kor u kacaan isla markii la baahiyay natiijooyinka xisaabxidhka sannadka 2012.

- Iibka ayaa soo fiicnaaday, dakhliga ayaa waxoogaa soo diiray, laakiin waxa ka wada muhiimsan kaashka wareegaya oo isna ka fiicnaaday intii la filayay, ayuu yidhi Michael Friis Jørgensen.

Shirkadda wayn ee marawaxadaha dabaysha ayaa qortay khasaare dhan 3,7 bilyan koron, oo la xidhiidha hantida aan wareegin ee shirkadda. Xisaabta qaybaha gaarka ah ayaa iyaguna xun oo xisaabxidhka ku muuqda 701 milyan euro   aaama 5,2 bilyan koron.

Laakiin waxa maaligeliyayaasha u muhiim ah, sida dakhliga sannadkani yahay shirkadda Vestas, iyo inaan lacag cusub lagu khamaarin.

Qarsh dhimis
- Waxa qarashyo hadda la galo ay tahay, in meesha laga saaro, oo raadkoodu aanu ka muuqan kaashka wareegaya, ayuu yidhi  Michael Friis Jørgensen.

Waxay u muuqataa in shirkadda Vestas si fiican u raacayso qorshayaashii dardargelinta ahaa iyo qarashyo dhimistii, sida in ilaa 5.000 oo shaqaalaha Vestas ah la dhimo inta sannadkan lagu jiro.
 
- Waa arrin dhab ahaan tilmaamaysa horumar. Sidaas awgeed qaybo fiican ayaa ku jiray xisaabxidhka sannadka 2012, ayuu yidhi Michael Friis Jørgensen.

Send eller anbefal link

 

Retssagen mod Breivik

Retssagen mod Breivik

Igennem 10 uger vil sagen mod Anders Behring Breivik rulle i Norge. Følg med her.

 

Valg i Egypten

Valg i Egypten

Nu får egypterne endelig lov til selv at bestemme. Der er valg i Egypten, og dr.dk er med. Få overblik over partierne, se tidslinje og læs alle reportager.

 
 
 
 
Du er her: dr.dk > Nyheder > Andre_sprog > Soomaali

© Copyright DR 2013. Materialet må ikke gengives uden tilladelse jævnfør lov om ophavsret.