Shaqaalaha yurubta bari oo soo batay
07. feb. 2013 12.47 SoomaaliTan iyo sannadkii 2008 tirada shaqaalaha ka yimi yurubta bari ee dalka soo galay ayaa kor u kacday boqolkiiba 43, sida ka muuqata tirokoobyo wargayska Jyllands-posten ka soo xigtay diiwaanka hayadda agaasinka shaqada, jobindsats.dk.
Saddex biloodkii saddexaad ee sannadkii hore ayaa waxa dalka ka shaqaynayay 47.500 oo ka kala yimi 10 dal oo yurubta bari ah.
Xilligii shaqadu xaamiga ahayd ayay yimaaddeen
Tiro ka badan saddex daloolow mid - 17.763 qof - oo lanbar iyo cinwaan ka diiwaangashan dalka leh ayaa soo galay sannadkii 2008 iyo wax ka horreeyay. Waxay dalka u yimaaddeen shaqo, markii shaqooyinku xaamiga ahaayeen.
Iyaga lama fennisho
Søren Kaj Andersen oo ka tirsan jaamacadda Kobanheegan, cilmibaadhisna ku sameeya suuqa shaqada ayaa dhawaan dhamaynaya baadhitaan ballaadhan uu ku sameeyay ilaa 10.000 oo shirkadood oo shaqaaleeya dadka yurubta bari, waxana uu xaqiijiyay inay tiro badan ku shaqeeyaan.
- Shaqaalaha yurubta bari xoog ayay ugu jiraan suuqa shaqada xilligan xiisadda dhaqaale taagan tahay. Mana aha dadka shaqo beela ee kayuuyada shaqodoonka xagga hore kaga jira, ayuu yidhi.