preload loader
id top nyheder
Truels Truelsen forstander Lundby Efterskole

Truels Truelsen ayaa sii hayn doona xilka maamulenida dugsiga, hadduu rafcaan ka qaato xukunkii dhawaan ku dhacay iyo haddii kaleba, siday shegeen guddidu.

Foto: Morten Seligmann © DR

 

Wuu sii ahaanayaa maamulaha dugsiga

07. feb. 2013 12.49 Soomaali

Maamulaha dugsiga hoyga ah ee Lundby Efterskole, Truels Truelsen, oo shaqada kaga maqan xanuun, ayaa sii hayn doona xilka maamulenida dugsiga, hadduu rafcaan ka qaato xukunkii dhawaan ku dhacay iyo haddii kaleba. Sidaas waxa dr.dk u caddeeyay guddoomiyaha guddida Bjarne Rasmussen.

- Truels waa maamule fiican. Guddiduna way taageersan yihiin, ayuu dr.dk ku yidhi Bjarne Rasmussen, oo ah guddoomiyaha guddida.

- Maaha maamule aan qiimo ku lahayn dugsiga hoyda ah ee Lundby Efterskole.

60 cisho oo xadhig shuruudaysan ah
jimcihii 1da feberweri ayaa Truels Truelsen lagu xukumay 60 cisho oo xadhig shuruudaysan ah, iyadoo lagu helay inuu denbiile ku yahay deil aan loo kasino o la xidhiidha shilkii qooriga Præstø Fjord. Maxkamadda ayaa sidoo kale xukuntay, in maamuluhu dhigo wax bad ku saabsan muddo saddex sano ah.

Maaaha shaqada maxkamadda wax u yaal , in Truels Truelsen sii ahaado maamule, taasi waxay u taallaa guddida.

Wax yar ka dib maxkamadda ayaa DR Nyhder ogaaday, in maamulaha dugsigu xanuun ku fasax qaatay muddo aan la cayimin. Taasi waxay dhacday, markii guddidu isugu timi shir aan caadi ahayn. Maamule kuxigeenkii dugsiga, Lars Jensen, ayaa la wareegay hawlihii maamulenimada.

Bjarne Rasmussen kama warrami karo goorta uu fasaxa xanuunka ka soo laabanayo Truelsen ee dugsiga ku soo noqonayo.

Waalidka ayaa raba in maamulaha la beddelo
Qaar badan oo ka mid ah ardayda dhibaatadu soo gaadhay iyo waalidka arrintu saamaysay ayaa qaba, Truels Truelsen laga xayuubiyo maamulenimada, iyadoo maxkamaddu ku xukunta 60 cisho oo xadhig shuruudaysan ah iyo in aanu dhigi karin wax badda ku saabsan muddo saddex sano ah.

- Ma qabo inuu carruur iyo dhallinyaro danbe ka shaqeeyo. Waa in la fenisho, ayya tidhi mid ka mid ah waalidka, Lisbeth Kristensen.

Dalka debeddiisa ayuu joogay
Truels Truelsen wuxu joogay dalka debeddiisa, marku dhacay shilka huudhiga yari muddo laba sano ka hor ah, taasina waxay ka mid tahay sababa Truelsen loola xidhiidhiyay masuuliyadda shilka, sidu qabo qareenkiisa Peter Giersing.

Maxkamadda ayaa xukunka ku salaysay waxyaabo ay ka mid yihiin, in dugsigu aanu lahayn xeerhooseedyo qoraal ah oo la xidhiidha marka badda la gelayo.

Laakiin dugsigu siday sheegeen maamulaha, guddida iyo macallin wax ka dhiga dugsigu wuxu lahaa xeer hooseed dhigaya, inaan dugsiga la gelin xilli jiilaal ah. Sidaas awgeed qareenka ayaa qaba, in masuuliyadda uu lahaa macallinka dhintay, Michael Jørgensen, oo ardayda geliyay badda, halka eedda la saarayo maamulaha uu difaacayo, Truels Truelsen.

Send eller anbefal link

 

Retssagen mod Breivik

Retssagen mod Breivik

Igennem 10 uger vil sagen mod Anders Behring Breivik rulle i Norge. Følg med her.

 

Valg i Egypten

Valg i Egypten

Nu får egypterne endelig lov til selv at bestemme. Der er valg i Egypten, og dr.dk er med. Få overblik over partierne, se tidslinje og læs alle reportager.

 
 
 
 
Du er her: dr.dk > Nyheder > Andre_sprog > Soomaali

© Copyright DR 2013. Materialet må ikke gengives uden tilladelse jævnfør lov om ophavsret.