Mette F: Xaalad adag ayaynnu ku jirnaa
08. feb. 2013 12.49 SoomaaliWasiirka shaqada Mette Frederiksen ayaa maanta loo soo gudbiyay tirokoobyo cusub oo la xidhiidha tirada deenishka ka dhacay nidaamka lacagta shaqola'aanta bilawga sannadka.
Tirada oo ay sameeyeen ururka AK-samvirke ayaa muujinaysa, in 5.270 qof ay debedda ka yihiin nidaamka lacagta shaqola'aanta, arrintaas oo ka dhakatay dibuhabayntii lagu sameeyay nidaamka lacagta shaqola'aanta.
- Waxa aynnu ku jirnaa xaalad adag oo la xidhiidha lacagta shaqola'aanta. Waa tiro badan, tiradu waxay doonto ha ahaateena, waa arrin ku adag qofka, ayaa Mette Frederiksen ku tidhi DR Nyheder.
Male qaldan
Tirokoobyada cusub ayaa muujinaya, in wasiirka shaqadu tan iyo sannadkii 2010 uu hadba bixinayay tirokoobyo qaldan, oo la yaraynayay tirade dadka ay saamaynayso, inay waayaan lacagta shaqola'aanta, oo ah arrin ka dhalatay dibuhabayntii lagu sameeyay lacagta shaqola'aanta.
Mette Frederiksen ayaa qiratay in la filayay, in tirada intan ka yaraanayso.
- Qofna ma dul dhigi karo mustaqbalka. Sidaas awgeed waa muhiim, in dibuhabayn la sameeyo siyaasaddeena, maaha inay ku dhisnaato keli ah male. Sidaas awgeed ayaannu u samaynay waxyaabaha ay ka mid yihiin nidaamka waxbarasheed, si dadka waayay lacagta shaqola'aantu u bilaabi karaan waxbarasho, ayay tidhi.
Ma jirto garantii shaqo
Dawladda ayaa ku tallaabsatay dadaallo badan si ay u shaqogalaan dadka muddo dheer shaqo la'aa. Waxa kuwaas ka mid ah dadka ka dhacaya nidaamka lacagta shaqola'aanta, oo xaq u leh inay waxbarasho sii wataan muddo lix bilood ah, sida ku xusan nidaamka cusub ee waxbarasheed.
Laakiin dhinacyo badan ayuu ka imanayaa naqdi tilmaamaya, in aanu baahida jirta daboolayn waxqabadka la sameeyay, dadka bilaa shaqada ahina aanay ku soo celin karin suuqa shaqada. Teeda kale Mette Frederiksen ma dammaanad qaadi karto arrintaas.
- Danmark kama jirto wax garantii shaqo ah. Weligeedna kama jirin arrintaasi, ayay tidhi, iyadoo intaas ku sii dartay:
- Waan la socdaa, inay xaaladdu ku adag tahay qof kasta, marka ay dhammaato muddada lacagta shaqola'aantu. Waa inay arrintaasi innagu wada dhalisaa, sidii aynnu Danmark uga saari lahayn xiisadda dhaqaale ee u abuuri lahayn goobo shaqeed.