Dawladda oo dhimi rabta SU-da
08. feb. 2013 12.51 SoomaaliWasiirka waxbarashada sare Morten Østergaard (R) ayaa hadda qiray, in dawladdu rabto, inay dhinto lacagta SU-da, taasoo noqonaysa isbeddel ku rimi fikirkiisa.
Ilaa hadda markii hore wuu diidanaa, in dawladdu qorshaynayso, inay dhinto lacagta SU-da, oo uu ku magacaabay "guul wayn".
Waannu bedelnay fikraddii
- Waannu bedelnay fikraddii. Waxa aanu bedelnay iyadoo loo wada jeedo, ayuu wakaaladda wararka deenishka, Ritzau, ku yidhi wasiirka waxbarashada sare.
Wuxu sheegay, inay dawladdu soo waddo isbeddel lagu samayanayo nidaamka deeqda waxbarashada ee dawladda (SU).
Badda ayaynnu malabaynaynay
- Sidaas awgeed suaal ayaa ka taagan in la abbaaro dhibaatooyinka dibudhaca iyo in la malabeeyo badda, innagoo faxalnimadeennu ka badnayd baahida jirta, fikraddeenana udub dhexaad uga dhignay, inaan arrin la xidhiidha lacag looga hadhin waxbarashada, ayuu yidhi.