preload loader
id top nyheder
Rundspørge hos jobcentercheferne

52 xarumaha shaqada ah ayaa suaalo laga waydiiyay, in nidaamka waxbarashadu kordhinayo fursadaha ay shaqo ku heli karaan dadka qaadanayay lacagta shaqola’aanta, ee ka dhacaya nidaamkaas lixda bilood ee ugu horreeya sannadka 2013.

 

Walaaca nidaaminta waxbarasheed

08. feb. 2013 12.52 Soomaali

Nidaaminta waxbarasheed ayay ahayd, inuu noqdo motoorka dadka ka dhaca nidaamka lacagta shaqola'aanta dib ugu soo dabbaala suuqa shaqada. Laakiin xarumaha shaqadu ma soo dhawayn sida dawladda iyo xisbiga Enhedslisten ugu soo bandhigeen arrintaas heshiisha xeerka maaliyadda 2013.

Suaalo DR Nyheder uu waydiiyay 52 ka mid ah madaxda xarumaha shaqada ee dalka, ayaa tobankiiba afar keli ah ku jawaabeen, in nidaamka waxbarashadu kordhinayo fursadaha ay ugu laabanayaa suuqa shaqada dadka qaata lacagta shaqola'aanta, ee ka dhaca nidaamkaasi, lixda bilood ee ugu horreeya sannadka 2013. inta soo hadhay ayaa ku jawaabay "dhici masyo ama", "ma waafaqsani" ama "garan maayo". Boqolkiiba tiro ku dhow lix ayaan rabin, inay ka jawaabaan.  

Waa maradhaamo kooban
 Morten Kaspersen, oo ka masuul ah qaybta ganacsiga ee sanduuqa shaqola'aanta ee 3F, kana madax ah ururka AK-Samvirke,  ayaan sidoo kale soo dhawayn nidaamka waxbarashada:

- Waa maradhaamo muddo kooban. Ugu badnaan waa lix bilood, marka ay dhammaatana ma jirto cid sheegi karta shaqo, ayuu yidhi, waxana uu intaas ku daray:

- Lama garantii garayn karo waxbarashada ilaa lixda bilood ah oo waa waqti kooban. Nidaamka waxbarashaduna dadka ma shaqo gaynayo. Way tayo fiicnaanayaan, laakiin hadday rabaan inay shaqeeyaan, waa in horta shaqo jirtaa, mana muuqato taasi manta.

Waxbarashooyin gaar ah ayay xaq u leeyihiin
Nidaamka waxbarashada waxa loogu talogalay, dadka bilaa shaqada ahi, inay uga faaidaystaan lacagta shaqola'aanta min 30 diisanbar 2012 ilaa 30ka juun 2013.

Nidaamkaasi wuxu u suurtagelinayaa dadkaas waxbarahooyin iyo deeq waxbarasho ay ku qaataan ilaa lix bilood, ka dib markay ka dhacaan nidaamka lacagta shaqola'aanta. Deeqda waxbarashadu waxay u dhigantaa caawimadii caydha.

Dad badan oo tiradoodu gaadhayso 5.270 qof, ayaa sida laga soo xigtay ururka AK-Samvirke ka dhacay nidaamka lacagta shaqola'aanta bilawgii sannadka, kuwaasoo ay hadda tahay inay ka faaidaystaan nidaamka waxbarashada.

Send eller anbefal link

 

Retssagen mod Breivik

Retssagen mod Breivik

Igennem 10 uger vil sagen mod Anders Behring Breivik rulle i Norge. Følg med her.

 

Valg i Egypten

Valg i Egypten

Nu får egypterne endelig lov til selv at bestemme. Der er valg i Egypten, og dr.dk er med. Få overblik over partierne, se tidslinje og læs alle reportager.

 
 
 
 
Du er her: dr.dk > Nyheder > Andre_sprog > Soomaali

© Copyright DR 2013. Materialet må ikke gengives uden tilladelse jævnfør lov om ophavsret.