preload loader
id top nyheder
muslimer fordømmer Hedegaard mordsøg

Inkastoo Lars Hedegaard barbardhigfay islaamka naasigii, haddana iskudayga dilkiisa way iska fogeeyeen muslimiin Kobanheegan ugu dabbaal degayay dhalashada nebiga. Halkan waxa ka muuqda qabanqaabiyaha mawlidu nebiga, Quisar Najeeb.

© DR

 

Muslinka oo canbaareeyay iskudayga dilka

11. feb. 2013 13.01 Soomaali

- Muslimiintu waxay u joogaan jacayl, waana arrinta aannu maanta cabirayno, marka aannu canbaaraynayno falkan, sababtu waxa weeye, in Lars Hedegaard ugu horrayn yahay qof bina aadmi ah.

Sidaas ayuu gelinkii danbe ee axadda yidhi ninka muslinka ah ee Qaisar Najeeb, oo Kobanheegan ka qabanqaabiyay xaflad lagu xusayay dhalashada nebi Muxamed. 

Shan cisho ka hor ayaa la isku dayay, in gurigiisa ku yaal Frederiksberg lagu toogto ninka islaamka wax ka sheega, Lars Hedegaard.

Iskudayga dilku wuxu waxyeelayaa muslimiinta
Inkastoo aan laga warhayn, in iskudayga dilku aha amid diin ku salaysan, iskudayga dilku waa arrin waxyeellaynaya muslimiinta, ayuu yidhi:

- Waa arrin waxyeellaynaya muslimiinta, oo Danmark kaga bixinaya sawir rebshedeed oo qaldan. Haddii cidi arrintaas innagu naqdiyaan waa siday la noqoto, laakiin annagu waannu canbaaraynaynaa, ayuu DR Nyheder ku yidhi Qaisar Najeeb, oo ka tirsan ururka Minhaj Ul-Quran. 

Cid kasta kaalin ayay leedahay
Dhawaan ayaa Lars Hedegaard, isagoo isku qarinaya meesha uu ku dhuunto uu netka ku qoray waxyaabo uu barbardhigayo islaamka naasinimada iyo shuuciyadda.

- Waa in dadka oo dhammi kaalin ku yeeshaan dunida. Waxa jira dad wax ka sheega diinta islaamka, kuwaasina kaalintooda ayay leeyihiin, ayay tidhi Masoon Rana, oo ah macallin kumeelgaadh ah.

Waa in aanay dhicin
Waxa fikraddeeda taageeray Naveed Njam, oo ku shaqeeya injineernimo.
- Waa arrin cabsi leh ay tahay in aanu dhicin - oo bataatan ka dhicin Danmark, ayuu yidhi Naveed Njam, oo ka mid ah boqollaak ka soo qaybgalay xafladda mawlidu nebiga.

Send eller anbefal link

 

Retssagen mod Breivik

Retssagen mod Breivik

Igennem 10 uger vil sagen mod Anders Behring Breivik rulle i Norge. Følg med her.

 

Valg i Egypten

Valg i Egypten

Nu får egypterne endelig lov til selv at bestemme. Der er valg i Egypten, og dr.dk er med. Få overblik over partierne, se tidslinje og læs alle reportager.

 
 
 
 
Du er her: dr.dk > Nyheder > Andre_sprog > Soomaali

© Copyright DR 2013. Materialet må ikke gengives uden tilladelse jævnfør lov om ophavsret.