Khiyaamada netka oo korodhay
11. feb. 2013 13.16 SoomaaliBoqolkiiba 45. Tiro sidaas u badan ayay korodheen weerarrada jebinta kombuyuutarrada, fayrasta, emailada la yidhaahdo ' phising-mails' iyo koobiyaynta sharcidarrada ahi sannadka 2012.
Netka xoog iyo xoog ayaynnu u galnaa, denbiyada netkuna way kordhayaan sidoo kale. Waxa denbiilayaasha netka ay raadinayaanna waa lacagteenna. Sidaas awgeed waxay isku dayaan, inay helaan warar xasaasi ah oo qarsoodi ah - sida wararka kaadhka 'dankort'. Markaas tirada dabinada la dhigto netku aad ayay u badan yihiin.
Sidaas waxa muujiyay warbixin cusub oo ay soo saartay DKCERT, oo ka warrama waxyaabaha la xidhiidha nabadgelyada it-da iyo digniinaha weerarada lagu soo qaado Danmark.
Meelina wada aamin maaha
- Netka ma jirto meel boqolkiiba 100 nabadgelyo ah, ayuu DR Nyheder ku yidhi Shehzad Ahmad, oo madax ka ah DKCERT.
- Sidaas awgeed aad ayay u adag tahay, in si dhab ah loo sheego halka ay wax ka dhacayaan, waa in si dheeraad ah loo feejignaadaa uun. Dhammaan meelaha uu qofku ku isticmaalayo 'magaca adeegsadaha - brugernavn' og 'baaqa sirta ah - password', waa inuu qofku si fiican u isticmaalaa caqligiisa.
Inuu qofku guud ahaan feejignaado aad ayay muhiim u tahay. Tusaale ahaan baankaaga iyo cashuuruhu kuma waydiiyaan wararka la xidhiidha kaadhka daynsiga.
Ka digtoonow Facebook iyo Twitter
Teeda kale waa in qofku ka digtoonaadaa Twitter iyo Facebook inuu ku galo xog la sii iibin karo.
- Waxa laga yaabaa in qof denbiile ahi furto koontada Facebooka qof kale. Wuxu soo qorayaa, inuu joogo debedda oo ay ka luntay shandaddiisii, alaabadiidii iyo tilifoonkii, sidaas awgeed wuxu ku waydiinayaa, inaad ku soo caawiso lacag. Liiska saaxiibada ayuuna ka baadhayaa qof jeebka ku degdega, ayuu yidhi Shehzad Ahmad.
Ma rumaysna in denbiilayaashu sidaas u yihiin xarfaan, oo horjoogsan karaan in netka looga waasho kaadhka 'dankort'.
- Markasta way ina horjoogaan. Waxa aynnu nahay Tom, iyaguna waa Jerry. Laakiin marwalba waynnu la soconaa tallaabooyinka ay qaadaan.