preload loader
id top nyheder
Piller

© Colourbox

 

La dagaalanka dawooyinka lamahuraanka ah

11. feb. 2013 13.25 Soomaali

Kolostarool yar kacsan, lafo kala yar durkay, qalqaallinmada (ADHD) iyo falcelin dheeraad ah oo ka dhalata xaddiga kaadida.

Waa astaamaha ay markiiba dhakhtarradu kula yaacaan dawooyinka. Arrintaasina walaac ayay ku abuurtay hayadda agaasinka caafimaadka, oo hadda dagaal ku qaadaya qorista dawooyinka lamahuraanka ah.

- Waxa aannu ka walaacsan nahay arrimo la xidhiidha, sidii dawayn sax ah loo siin lahaa bukaan sax ah. Meelaha qaarkood horumar ayaa laga gaadhay arrinta la xidhiidha waxa cudurku yhaay iyo dawada uu u baahan yahay cudurkaasi, ayuu DR Nyhder ku yidhi guddoomiye unug oo ka torsan hayadda agaasinka caafimaadka, Søren Brostrøm.

Kiniinka ku habboon bukaanka
Hayadda agaasinka dawooyinka ayaa kala taliyay dhakhtarrada arrimo la xidhiidha dawooyinka. Ilaa hadda waxa culays la saaray sidii dawo ku habboon loo siin lahaa bukaanka, ayuu yidhi Søren Brostrøm.

- Waxa aannu rabnaa, in aannu hubinno in dawo sax ah oo qiimaheedu sax yahay la siiyo bukaanka. Berigii hore waxa culays la saari jiray keli ah, in qofka la siiyo dawo sax ah. Sidaas awgeed hadda waxa culays la saarayaa, in dawo habboon la siiyo qofka buka, ayuu yidhi.

Astaamo murugsan
Waxa si wayn u kordhay dawooyinka la siiyo dada an dhab ahaan xanuunsanayn, laakiin halis ugu jira cudurro, sida dhiigkarka. Waxa kaloo soo baxay arrimmo cusub, sida cudurka ADHD, oo astaamahiisu aanay caddayn, kaasoo ay adag tahay in soohdin loo sameeyo goorta dawo loo qorayo qofka qaba cudurkaas, ayuu yidhi Søren Brostrøm. Sidoo kale waa arrin bayoolaji ahaan caadi ah, in dumarka ciso goyska ah laga caawiyo hoormoonka, ayuu yidhi guddoomiyaha unuggu.

Meelahaas ayaa hayadda agaasinka caafimaadku ka walaacsan tahay, in la qaado tallaabooyin waydaarsan soohdinta dawaynta. Sidaas awgeed hayadda agaasinka caafimaadka ayaa dhakhtarrada ka caawinaysa qiimaynta goorta ay tahay in la qaadan dawooyin, iyagoo u soo diyaarinaya talobixino iyo xeerar ay ka shidaalqaataan.

Send eller anbefal link

 

Retssagen mod Breivik

Retssagen mod Breivik

Igennem 10 uger vil sagen mod Anders Behring Breivik rulle i Norge. Følg med her.

 

Valg i Egypten

Valg i Egypten

Nu får egypterne endelig lov til selv at bestemme. Der er valg i Egypten, og dr.dk er med. Få overblik over partierne, se tidslinje og læs alle reportager.

 
 
 
 
Du er her: dr.dk > Nyheder > Andre_sprog > Soomaali

© Copyright DR 2013. Materialet må ikke gengives uden tilladelse jævnfør lov om ophavsret.