Madaarada deenisha oo dhigay rikoodh
12. feb. 2013 12.31 SoomaaliSannadkii 2012 waxa kacday shirkaddii Cimber Sterling, oo ahayd ta labaad ee ugu waynayd shirkadaha dayuuradaha, laakiin sidoo kale sannadkaasi wuxu ahaa kay ugu badnaayeen dadka safarkooda u isticmaalay madaarrada deenishka.
Inkastoo dayuuradda kacday saamaysay duullimaadyada dalka gudihiisa boqolkiiba 20, haddana tirada rakaabka ayaa guud ahaan kor u kacday boqolkiiba 0,80, sida ka muuqata tirokoobyada hayadda agaasinka gaadiidka.
Guud ahaan tirada rakaabka isticmaalay madaarrada deenishka ayaa sannadkii hore dhammayd 14,2 milyan, iyadoo 120.000 ay ka badnaayeen tiradii sannadkii hore.
Kobanheegan ayaa ah xuddunta ugu wayn
Horumarka waxa keenay kobcitaan boqolkiiba shan ay kordheen rakaabka caalamiga ah, oo xuddunta ugu wayn ee socdaalkooda u isticmaalay madaarrada deenishka.
Shantii ka mid ah rakaabka caalamiga ahba mid baan debedda uga bixin madaarka.
Sida laga soo xigtay hayadda agaasinka gaadiidka, madaarka Kobanhagen ee Kastrup ayaa ah xuddun muhiim ah oo xidhiidhisa dayuuradaha dalalka woqooyiga Yurub.
Teeda kale waxay sidaasi ka muuqataa liiska madaarrada ay isticmaalaan rakaabka soo mara madaarada deenishka. Waxa kuwaas ugu badan Oslo oo ah 735.000 iyo Stockholm oo ah 645,000.
Haddii la isku daro saddexda madaar ee London, waxa ugu badanaya caasimadda ingiriiska oo gelaysa kaalinta kowaad, iyadoo ay galaan tiro ka badan hal milyan oo ka baxay Danmark.