preload loader
id top nyheder
Sundheds- og kvartershuset Aalborg Øst

Xoog ayaa loo soo dalbaday digriiga mastarka ee waxbarashada aqoonta jinsiga ee laga bilaabi doono jaamacadda Aalborg.

Foto: Aalborg Universitet © DR Nordjylland

 

Xoog baa loo dalbaday waxbarashada cusub

12. feb. 2013 13.28 Soomaali

Waxbarashada ayaa kaabiga soo saaran. Tiro ka badan 50 qof ayaa hadda ku soo codsaday liiska kumeelgaadhka ah ee digriiga mastarka lagu qaadanayo waxbarashada cilmiga jinsiga (sexologi), oo jaamacadda Aalborg bilaabi doonto bisha sebtambar.

Sidaas waxa qoray wargayska Nordjyske Stiftstidende.

- Waxaanu ku hagaagnay xilli habboon. Muddo dheer ayaa la sugayay waxbarasho noocan ah, laakiin ilaa hadda waxa jiray uun koorsyo gaar ah, ayay ku tidhi wargayska dhakhtarka sare Astrid Højgaard oo ka hadlaysay sida loo daneeyay waxbarashadaas.

Iyadoo dhakhtar saree oo hormood ah ka ah kilinigga cusbataalka jaamacadda Aalborg ayay sidoo kale bud dhigtay waxbarashadan cusub, oo markii ugu horraysay lagu soo daray istiraatijiyada jaamacadda.

Dhakhtarrda, kalkaaliyayaasha caafimaadka, fisyoo - ergo taroobyada, ummulisooyinka iyo maandhayayaasha ayaa ah kooxaha ugu mudan ee loogu talogalay waxbarashada cusub.

Astrid Højgaard ayaa filaysa, inay 30 arday oo kalkaaliyayaal caafimaad ahi bilaabayaan waxbarasha aqoonta jinsiga bisha sebtambar.

Waxbarashada aqoonta jinsiga ayaa si wayn u la xidhiidha talobixino, ayay sheegtay dhakhtarka sare.

Dad badan ayay haysataa dhibaato dhinaca jinsiga ah. Laakiin ilaa hadda way tiro yar yihiin dadka arrintaas aqoonta u leh ee dawayn kara ama ka talobixin kara, inkastoo dhibaatadaasi sii kordhayso, ayay ku tidhi wargayska Nordjyske Stiftstidende.

Send eller anbefal link

 

Retssagen mod Breivik

Retssagen mod Breivik

Igennem 10 uger vil sagen mod Anders Behring Breivik rulle i Norge. Følg med her.

 

Valg i Egypten

Valg i Egypten

Nu får egypterne endelig lov til selv at bestemme. Der er valg i Egypten, og dr.dk er med. Få overblik over partierne, se tidslinje og læs alle reportager.

 
 
 
 
Du er her: dr.dk > Nyheder > Andre_sprog > Soomaali

© Copyright DR 2013. Materialet må ikke gengives uden tilladelse jævnfør lov om ophavsret.