preload loader
id top nyheder
føtex, storbutik, supermarked, byggeri

Weli waxa aynnu u jeednaa baakidhada lasaanyada barafaysan ee ay soo saarto shirkadda fadeexadowday ee faransiiska ah Comigel, markaynu ka adeeganayno dukaamada n ee Netto, Føtex og Bilka, oo hoos yimaadda shirkadda Dansk Supermarked.

 

Hilibka fardaha oo lagu iibiyo Danmark

12. feb. 2013 13.30 Soomaali

Macmiisha ayaa weli arkaya baakidhada lasaanyada ee ay soo saarto shirkadda fadeexadowday ee faransiiska ah Comigel, markay wax ka iibsanayaan dukaamada waawayn ee Netto, Føtex og Bilka, oo hoos yimaadda shirkadda Dansk Supermarked, ayuu qoray wargayska Politiken maanta oo salaasa ah.

Dukaamada waawayn ee cuntada maalinlaha ah laga iibsado ayaa  doortay, inay khaanadahooda ka qaadaan uun qaybo ka mid ah baakidhada lasaanyada ay soo saarto shirkadda Comigel, inkastoo hayadda cuntada ee ingiriisku ku talobixisay in ugu danbayn jimcihii hore lagu iibiyo dukaamadooda dhammaan noocyada hilibka ay soo saarto shirkadda Comigel.

Arrintaasi waxay ka danbaysay ka dib markii ingiriiska iyo Swden ka heleen baakidhada lasaanyada ee Comigel hilib fardood oo sharcidarro ah, inkastoo ay ku dul qoran tahay baakidhada lasaanyada, inuu ku jiro uun hilib lo'aad.

Shaki wayn ayaa ka abuurmay halka hilibka farduhu ka yimi. Comigel ayaa khiyaamada ku dacwaysay shirkadda ay la macaamilaan ee Spaghero, taasoo sheegtay inay khiyaameeyeen laba shirkadood oo hilibka ku qala dalka Roomaaniya.

Netto way haysaa
Shakiga abuurmay ayaa keenay in shirkadda Dansk Supermarked goaansatay, in khaanadaha laga ururiyo baakidhada lasaanyada Comigel ay soo samaysay shirkadda Spaghero. Sidaas darteed qaybta hilibka ee dukaamada Føtex iyo Bilka waxa yaal baakidhada lasaanyada Comigel oo wata magaca Budgetlasagne, halka Netto ay weli ka iibinayso lasaanyada Comigel ee ay soo samaysay Spotvare - taasoo sidata maga ah 'Det Hurtige Køkken'.

Saddexda dulkaan ee waawayn ee kale ayaa haya uun baakidhada lasaanyada Comigel ay soo sameeyeen shirkadaha kale aan ahayn Spaghero .

Send eller anbefal link

 

Retssagen mod Breivik

Retssagen mod Breivik

Igennem 10 uger vil sagen mod Anders Behring Breivik rulle i Norge. Følg med her.

 

Valg i Egypten

Valg i Egypten

Nu får egypterne endelig lov til selv at bestemme. Der er valg i Egypten, og dr.dk er med. Få overblik over partierne, se tidslinje og læs alle reportager.

 
 
 
 
Du er her: dr.dk > Nyheder > Andre_sprog > Soomaali

© Copyright DR 2013. Materialet må ikke gengives uden tilladelse jævnfør lov om ophavsret.