preload loader
omdr1024 top
ID_forside

Is diiwaan galin

Liisanka Danmark ( Licens i Danmark )
Dhamaan dadka daggan Danmark ee leh TV-ga ama kombuyuutar soo gudbiya sawiro, waa inay bixiyaan lacagta ogolaanshaha warbaahinta ( medielicens )

Hadii uu qofku leeyahay radio kaliya , waa in uu bixiyo ogolaanshaha radiyaha.
Liisan kaliya ayaa ku filan guri kasta.

Sharciga Danmark
Sharciga uyaal Danmark waxaa kugu waajib ah in aad bixisid liisanka, hadii aad haysatid qalabka wax laga daawado. Inkastoo aanad daawan ama dhagaysan kanalada DRs. Marka uu guriga kuu yaalo qalabka wax lagu daawado waxa kugu waajib ah in aad bixisid lacagta ogolaanshaha liisanka.

Waa in aad iska diiwaan gelisid liisanka, ugu badnaan 14 maalmood kadib marka aad iibsatid qalab wax laga daawado. Hadii aad leedahay kombuyuutar,radio, ama TV waa in aad bixisid
lacagta ogolaanshaha warbaahinta ( medielicens )

Ka bixida heshiiska lacagta liisanka
Hadii aanad lahayn qalab wax laga fiirsado, waa in aad iska joojisid bixinta liisanka adoo qoritaan ku muujinaya. ama xagga internetka-ba: dr.dk/licens

Ka bixida heshiiska lacagta liisanku waxay ka bilaabmaysaa maalinta lagaa helo qoritaanka.

Hadii aad ka guurto halka aad daggantahay
Xidhiidhkii sidii hore ayuu ahaanayaa, oo wax isbedel ahi ma imanayo.

Waxa aad war nasoo siinaysaa hadii aad ka guurtid Danmark ama aad u guurtid guri qof kale bixiyo liisanka, waa in aad joojisaan liisanka mid ahaan lacagtiisa.

Liisanka waxa la bixiyaa lix dii biloodba mar.

Is diiwaan galin

 
 
 
Du er her: dr.dk > Om DR > Licens > sprog

© Copyright DR 2012. Materialet må ikke gengives uden tilladelse jævnfør lov om ophavsret.