preload loader
id top nyheder

Wararka oo soomaali ah

Cashuur u fududaynta deenishka debedda

23. maj 2013 13:01Soomaali

Goaanka kiiska cashuurta Stephen Kinnock ayaa saamayn doona kiisas badan oo cashuureed oo khuseeya dad deenish ah oo ka shaqeeya dalka debediisa.

 

Shaqooyin xal oo lagu guulaystay

23. maj 2013 12:56Soomaali

Si wayn ayaa loogu guulaystay in la sameeyo shaqooyin xal ah, siiba kuwa loo sameeyay dhilooyinka reer Thailland ee deggan degmada kobanheegan.

 

Halista kansarrada kala duwan

23. maj 2013 12:52Soomaali

Dhakhtarrada ayaa ku fiicnaaday helitaanka iyo dawaynta cudurka kansarka, siday muujiyeen tirakoobyadu.

 

Horumar la'aanta deegaanka shaqada

23. maj 2013 12:47Soomaali

Dhab ah meelo badan oo jidhka ah ayaa damqada shaqaalaha, iyadoo sababtu tahay liidashada deegaanka shaqada, oo ah siduu ahaa 40 sano ka hor.

 

Janaraal ashkateeyay siyaasi

23. maj 2013 12:44Soomaali

Taliyaha ciidamada, gaashanle sare Per Ludvigsen ayaa beenabuuris ku ashkateeyay afhayeenka arimaha maaliyada ee xisbiga Sooshalka John Dyrby Paulsen

 

Deenishka waa laga yaqaan Cannes

23. maj 2013 09:07Soomaali

Tartamayaasha waawayn ee mahrajaanka filimada ee cannes waxa ka dhex muuqda Mads Mikkelsen, Nicolas Winding Refn og Sara Hjort.

 

Rønn ma rabin inay u sheegto baarlamanka

23. maj 2013 09:04Soomaali

Agaasime waaxeed hore oo ka tirsanaa dawladdii Lars Løkkes ayaa komishanka kiiska dallaawayaasha hortooda ka soo oogay eed kulul Birthe Rønn.

 

Dhakhtarrada oo ka baxaya heshiiska

23. maj 2013 09:02Soomaali

Aqlabiyad dhan booqlkiiba 94,3 ka mid ah dhakhtarrada dadwaynaha ayaa u diyaar ah, inay xereeyaan lanbarkooda ’ydernummer’.

 

Xiisadihii dhaqdhaqaaqaoo la laalay

23. maj 2013 08:05Soomaali

Wasiirka waxbarashada, Christine Antorini ayaa laashay hindisihii xiisadaha dhaqdhaqaaqa, kadib markay sidaas cadaadis ku saareen xisbiyada midigtu.

 

Dib u furista kiisas badan oo hore

23. maj 2013 08:03Soomaali

Kiiska xafiiska cashuuruhu u haystay gabadha modeelka ah, Camilla Vest, ayaa hadda xafiiskaas ku kellifay, inay dib u furaan kiisas badan oo gaboobay.

 

Heshiiskii lacagta shaqola'aanta

21. maj 2013 13:34Soomaali

Dawladda ayaa ku waafaqday xisbiga Enhedslisten arrimo badan oo la xidhiidha lacagta shaqola’aanta.

 

Kooxda Brøndby oo reebtay AC Horsens

21. maj 2013 13:32Soomaali

Farxad iyo damaashaad ayaa dhacay, markii kooxda Brøndby kaga guulaysatay AC Horsens 1- 0 gool.

 

Waa may - iska jir cayayaanka kaynta

21. maj 2013 13:30Soomaali

Heerkulka ayaa kor u kacaya, kayntana waxa ku soo badanaya cayayaanka dhiigga nuuga ee la yidhaahdo cayayaanka kaynta ama ’skovflåt’.

 

Khubaro: Wax laga baqdaa ma jiraan

21. maj 2013 13:03Soomaali

Tijaabada shucaaca ee deenishku ku sameeyeen dhiroonka ’ karsefrø’ maaha inay cabsi geliso dadka, ayay yidhaahdeen laba khabiir uu la hadalay DR.

 

Tijaabo ay hablo 9aad ahi sameeyeen

17. maj 2013 13:33Soomaali

Soo qaad 400 oo dhiroonka ’ Karsefrø’ ah oo u kala qaybi 12 baakidh, dabadeed lix lix u kala dhig laba qol oo madhan oo isku heerkul ah.

 

Xayuubinta xuquuqda wadaxaajoodka

17. maj 2013 12:53Soomaali

Wasiirka caafimaadka Astrid Krag ayaa tilmaantay, inay xaalado aad u kooban, dawladu kaga xayuubin doonto ururka dhakhtarada xuquuqda wadaxaajoodka

 

Shipcraft oo eedeeyay ururka maraakiibta

17. maj 2013 12:50Soomaali

838 ayaa badmareenada deenishka ah iyo jalayaashooda kale afduub loogu haystay Somalia.

 

Denmark iyo Norway ayaa is hirdiyi doona

17. maj 2013 12:48Soomaali

Dawladaha Balkanka oo dhan ayaa wareegii labaad ee khamiistii la wada saaray, halka shanta dal ee nordiggu soo wada baxeen.

 

Enhedslisten oo dadka la raba waxbarasho

16. maj 2013 13:07Soomaali

Per Clausen oo ka tirsan xisbiga Enhedslisten ayaa qaba in dadka bilaa camalka ah aanay waxba u tarayn shaqooyinka aan rasmiga ahayni.

 

Goboladu way sugayaan ilaa sanadka danbe

16. maj 2013 12:57Soomaali

Jens Stenbæk oo madax u ah guddida wadaxaajoodka ee dhinaca dawladda ayaan wax wayn u arkin hanjabaadda dhakhtarrada.

 

Rag diiqad gala marka ilmo u dhasho

16. maj 2013 12:31Soomaali

Aabbeyaal badan ayaa diiqad gala, marka ilmo u dhasho, dhif ayaana ay caawimo helaan.

 

Magaalada dhexdeeda oo cawaysku ku batay

16. maj 2013 12:29Soomaali

Degmada Kobanheegan ayaa loo samaynayaa qorshe cusub, oo lagu dhimayo mustaqbalka mukhbaaradaha iyo diskootigyada furan ilaa shanta subaxnimo.

 

Fimm wuu joogayaa dalka

15. maj 2013 13:03Soomaali

Fimm Na Thipan wuu joogayaa Danmark. Waa qaab cusub oo loo fuliyay sharciga, ayuu yidhi Garyaqaan.

 

Natijada codbixinta dhakhtarada Sjæland

15. maj 2013 12:59Soomaali

Sidu sheegay Henrik Dibben oo madax u ah dhakhtarrada dadwaynaha, natiijada codbixintu waa signal muujinaya isku duubnida dhakhtarrada.

 

Wasiirkoo naqdiday agaasinka caafimaadka

15. maj 2013 12:56Soomaali

Wasiirka caafimaadka Astrid Krag ayaa hadda si adag u naqdiday hayadda agaasinaka caafimaadha.

 

Emmelie oo u gudubtay waregi u danbeeyay

15. maj 2013 12:51Soomaali

Emmelie ayaa wacdaro ka muujisay masraxa Malmø, iyadoo magaca Danmark kaga qaybgashay tartanka heestii ln. 5 ee 'Only Teardrops'.

 

Thorning: Xalka lacagta shaqola'aanta

14. maj 2013 13:40Soomaali

Dawladda ayaa maanta soo bandhigaysa xalka ilaa 30.000 qof oo deenish ah oo ka dhacaya nidaamka lacagta shaqola’aanta sannadkan.

 

Dhakhtarrada oo dhiibaya lanbaradooda

14. maj 2013 13:27Soomaali

Guddoomiyaha dhakhtarrada PLO, Henrik Dibbern, ayaa yidhi, tiro ka badan 90% ayaa dhakhtarrada soo xaadiray haa yidhi xaraynta lanbarka ’ydernummer’.

 

Ma higsankarno dadaalka ardayda shiinaha

14. maj 2013 13:20Soomaali

Safar waxbarasheed oo lagu tegey Shiinaha ayaa ardayda dugsiyada hoose/dhexe ee deenishku la kulmeen arday ka dadaal badan ardayda deenishka.

 

Aalbæk: Aniga ayaa ugu waalli yar

14. maj 2013 13:15Soomaali

Agaasimaha Zenttropa, Peter Aalbæk Jensen, ayaa qaba, inuu ku carbin doono kooxaha filimada deenishka qaabka hoggaamintiisa xoodan.

 

Peter Loft oo markale kala hadlay

14. maj 2013 13:01Soomaali

Guddoomiyihii hore ee komishanka cashuuraha, Peter Loft, ayaa hor imanaya komishanka kiiska cashuurta, si loo dhegaysto dacwaddiisa.

 

Kobanheegan: Bilayska oo xidhay 38 qof

13. maj 2013 13:37Soomaali

Bilayska ayaa xidhay 38 qof oo laga safeeyay guri ay qabsadeen oo cinwaankiisu yahay Jagtvej 155 B, København N.

 

Ciidanka: Waa marki aynnu ka bixi lahayn

13. maj 2013 13:32Soomaali

Ciidamada iyo bilayska afqaanistaan lama heer aha kuwa deenishka, laakiin way la wareegi karaan hawsha nabadgelyada, ayay qabaan ciidamada deenishku.

 

Maydkii Martin oo laga helay badda

13. maj 2013 13:27Soomaali

Ninkii la waayay ee Martin Svejgaard Helbo ayaa laga helay maydkiisa badda Islands Brygge. Sidaas waxa Dr Nyheder u caddeeyay marxuumka aabbihii.

 

100.000 oo bixiya kiro dheeraad ah

13. maj 2013 13:18Soomaali

Ilaa 100.000 oo kiro ugu jira guryo dad leeyihiin ayaa bixiya kiro badan oo lacag dheeraad ahi saaran tahay, ayuu qoray wargayska Metroxpress.

 

Dhakhtarrada ayaan shaqaynayn 28 may

10. maj 2013 13:37Soomaali

Dadwaynaha deggan dalka ayaan ka heli karayn wax caawimo ah dhakhtarradooda maalinta salaasada ee 28ka may, waayo dhakhtarrada ayaa ku shiraya Odense

 

Ilmo la tuuray oo laga helay Farum

10. maj 2013 13:35Soomaali

Ilmo yar oo dhashay ayaa laga helay Farum oo ku taal woqooyiga Kobanheegan.

 

Taageerayasha Vestager oo cualays saaray

10. maj 2013 13:34Soomaali

Hadda waxa isa soo taraya culayska lagu saarayo arrinta lacagta shaqola’aanta guddoomiyaha xisbiga Radikaalka, Margrethe Vestager.

 

Sanduuqa Filimada ee caasimadda

8. maj 2013 13:47Soomaali

Tafatiraha arrimaha dhaqanka ee DR, Niels Frid, ayaa arka fursad wayn uu abuuri karo sanduuqa, Copenhagen Film Fund.

 

Shidaalka badda woqooyi oo la danaynayo

8. maj 2013 13:39Soomaali

Si wayn ayaa loo daanaynayaa helitaanka liisanka shidaalka badda woqooyi ee deenishka

 

Antorini: Way beddelaysaa xeerka

8. maj 2013 13:37Soomaali

Wasiirka waxbarashada Christine Antorini ayaa hadda ku hawllan in la bedello xeerka, si loo dhoofin karo waxbarashooyinka dhallinyarada

 

Helle Thorning way qaldantay

8. maj 2013 13:36Soomaali

Waa qalad in raisalwasaaraha Helle Thorning-Schmidt (S) ay diido, in la yareeyo muddada gelitaanka ama xaq loogu yeelanayo lacagta shaqola’aanta

 

Birthe Rønn oo hadda ka hadlaysa kiiska

8. maj 2013 13:33Soomaali

- Hadda ayaan xidhayaa mikrafoonkayga, dibna u shidi maayo, sidaas waxa hore u tidhi wasiirkii hore ee qalabixinta Birthe Rønn Hornbech.

 

Xisaab dheeraad ayuu soo dallici jiray

7. maj 2013 13:22Soomaali

Dhakhtarka maandhayaha ah, Arne Mejlhede, ayaa lagu naqdiyay in aanu xisaab sax ku dallici jirin dawladda.

 

Danmark oo 75 milyan kr.siinaysa Somalia

7. maj 2013 13:16Soomaali

Wasiirka arrimaha debedda iyo wasiirka horumarinta ayaa salaasada maanta kaga yaboohi doona shirka London ee Somalia deeq dhan 75 milyan oo koron.

 

DF: Waa waali deeqda la siinayo Somalia

7. maj 2013 13:14Soomaali

54 ka mid ah dalalka dunida iyo ururada caalamiga ah ayaa ka qaybqaadanaya shirka Somalia ee maanta ka furmay dalka Ingiriiska.

 

Enhedslisten oo u hanjabay dawladda

7. maj 2013 13:11Soomaali

Xisbiga Enhedslisten uu horkacayo Per Clausen ayaa hadda ku hanjebay, inay xididada u siibi doonaan dawladda.

 

Wiilkii Tingbjeg lagu toogtay oo dhintay

6. maj 2013 13:11Soomaali

Wiil 17 jir ah ayaa ku dhintay cusbataalka Rigshospitalet, ka dib markii laba xabbadood lagaga dhuftay madaxa, xaafadda Tingbjerg ee Kobanheegan.

 

Ha la yareeyo muddada lagu gelayo

6. maj 2013 13:09Soomaali

Maanta Danmark waxay u baahan nidaam lacagta shaqola’aanta xaq loogu yeelanayo muddo kooban oo la shaqeeyay.

 

Kiiska Amdi oo laga dhimay 75 milyan

6. maj 2013 13:06Soomaali

Mogens Amdi Petersen ayaa lagu eedeeyay cashuurta uu dhacay iyo is dabamarinta xoolo gaadhaya 35 milyan oo koron.

 
 

Warka BBC Soomaali

Wararka BBC-da oo dheeraad ah

 

Warka BBC Soomaali

 

Retssagen mod Breivik

Retssagen mod Breivik

Igennem 10 uger vil sagen mod Anders Behring Breivik rulle i Norge. Følg med her.

 

Valg i Egypten

Valg i Egypten

Nu får egypterne endelig lov til selv at bestemme. Der er valg i Egypten, og dr.dk er med. Få overblik over partierne, se tidslinje og læs alle reportager.

 
 
 
 
Du er her: dr.dk > Nyheder > Andre_sprog > Soomaali

© Copyright DR 2013. Materialet må ikke gengives uden tilladelse jævnfør lov om ophavsret.